August 12, 2026

Bannaanbaxyo ka dhacay magaalada Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada — balse waxa si gaar ah dareenka u soo jiitay aamusnaanta qaar kamid ah warbaahinta waaweyn iyo telefishinnada gudaha.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen bannaanbaxyadii ka dhacay degmada Deyniile, sida ay xaqiijiyeen siyaasiyiin mucaarad ah oo uu kamid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Si kastaba, dhacdadan oo ahayd mid amni iyo siyaasadeedba xasaasi ah ayaan si muuqata uga dhex muuqan baahinta qaar kamid ah warbaahinta ugu waaweyn dalka, arrintaas oo dhalisay dood cusub oo ku saabsan madaxbannaanida saxaafadda Soomaaliyeed.

Muddooyinkii dambe waxaa taagnaa eedeymo iyo hadal-heyn isa soo tarayay oo sheegaya in dowladda Federaalka ay saameyn xooggan ku yeelatay qayb kamid ah warbaahinta, iyadoo mucaaradku marar badan ku doodeen in “inta badan warbaahinta la iibsaday” ama ay ka baqeyso inay tabiso wararka dhaawici kara dowladda.

Inkastoo aysan jirin caddeyn rasmi ah oo xaqiijineysa eedeymahaas, haddana aamusnaanta ka muuqatay dhacdo ugu yaraan hal qof lagu dilay ayaa sii xoojisay su’aalaha laga qabo doorka warbaahinta xilliyada xiisadaha siyaasadeed.

Dooddu hadda ma ahan oo keliya bannaanbaxyadii Muqdisho — balse sidoo kale waxay tahay: warbaahinta Soomaaliyeed ma awooddaa inay si madax-bannaan u tabiso dhacdooyinka siyaasadeed ee xasaasiga ah?

Leave A Reply

Exit mobile version