Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNTMIS, ayaa maanta oo Sabti ah, 31-ka Oktoobar 2026, si rasmi ah u soo afjaray waajibaadkiisii, kaddib muddo laba sano ah oo xilalka iyo mas’uuliyadaha hawlgalka lagu wareejinayay hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay.
Qaramada Midoobay ayaa 27-kii Oktoobar ku dhawaaqday in hawlgalku soo afjarmi doono dhammaadka bishan, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu wareejinayo taageerada caalamiga ah ee la xiriirta hay’adaha siyaasadda iyo maamulka Soomaaliya.
Xiritaanka UNTMIS wuxuu soo afjarayaa in ka badan soddon sano oo ay Soomaaliya ka jireen hawlgallo siyaasadeed oo kala dambeeyay oo Qaramada Midoobay, kuwaas oo taageerayay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta, geeddi-socodka siyaasadeed iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaadka hawlgalka UNTMIS macnaheedu ma aha in Qaramada Midoobay ay gebi ahaanba ka baxayso Soomaaliya.
Hay’adaha iyo barnaamijyada kale ee Qaramada Midoobay ayaa sii wadi doona shaqadooda gudaha dalka. Sidoo kale, howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya, AUSSOM, waa hawlgal ka duwan UNTMIS, mana saameynayo xiritaanka howlgalka Qaramada Midoobay.
Xiritaanka UNTMIS ayaa ku soo aadaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo kooxaha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo awood-qaybsiga.
Inkastoo hawlgalkii siyaasadeed ee UNTMIS uu soo dhammaaday, haddana taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya way sii soconaysaa, iyadoo hay’adaha kale ee ururka ay sii wadi doonaan hawlahooda dalka.
