November 15, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah hoogaamiyaha si weyn loogu qaado heeso ammaan ah—arrin dib u soo nooleysay dood ku saabsan doorka suugaanta iyo in ay weli tahay codka bulshada… mise ay isu beddeshay kuwa lagu kasbado raalli-gelin siyaasadeed.

Suugaan: Macne & Doorkeedii Hore

Marka la qeexayo “suugaan,” waa farshaxanka hadalka iyo curinta ee lagu cabbiro aqoonta, dareenka bulshada, laguna hago jihada mustaqbal—mid siyaasadeed iyo mid bulsho.

Soomaalida dhexdeeda, suugaantu waxay ahayd muraayad laga dhex arko dhaqanka, taariikhda iyo hiddaha—iyadoo door muuqda ka qaadan jirtay qaabeynta aragtida bulshada.

Xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, suugaantu waxay ahayd awood dowladeed oo si weyn loo adeegsado—abwaanno iyo fanaaniin ayaa si toos ah ugu shaqeyn jiray jihaynta bulshada, iyagoo curin jiray heeso ammaan iyo hal-ku-dhigyo siyaasadeed.

Heesaha sida “Aabo Siyaad,” “Oktoobareey,” iyo “Guulwade Siyaad” ayaa astaan u noqday xilli suugaanta lagu dhisayey sawirka hoggaamiyaha.
Kaddib burburkii dowladdii dhexe, dhaqankaas ma joogsan—balse wuxuu galay weji cusub.

Xasan Sheekh & Heesaha Badan

Madaxweyne Xasan Sheekh, muddo-xileedkiisan, wuxuu noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha heesa badan loo saameeyay—iyadoo ay ka mid yihiin: Dalxureeye, Xurmadle, Xasanow na daadihi, Birmade Xasan Sheekh, iyo kuwo kale.

Tani waxay ka dhigeysaa inuu kaalinta labaad ka galo tirada heesaha loo qaaday madaxdii dalka—kaddib Maxamed Siyaad Barre.

Laakiin su’aashu waxay tahay, heesahani ma yihiin suugaan dhab ah oo bulshada matasha—mise waa kuwo u badan ammaan iyo taageero siyaasadeed?

Dhaliilaha jira waxay sheegayaan in heesaha intooda badan aysan lahayn nuxur sugaaneed oo qoto dheer—ayna ka maqan tahay kaalin hogatusaaleed oo bulshada lagu jihaynayo.
Halkii ay ka ahaan lahaayeen cod ka tarjumaya dareenka shacabka, waxay u muuqdaan kuwo ku kooban ammaan hoggaamiye.

Marka suugaantu lumiso doorkeedii hagidda bulshada, waxay halis u tahay inay noqoto mid hal dhinac u adeegta—taasoo wiiqi karta awooddii ay u lahayd inay bulshada mideyso ama wax ka beddesho aragtideeda.

Haddaba, suugaanta maanta ma tahay codkii bulshada… mise waa hees u adeegaysa awoodda?

Leave A Reply

Exit mobile version