August 12, 2026

Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee dalalka Pakistan, Masar, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Bangaladesh, Aljeeriya, Sacuudi Carabiya, Falastiin, Türkiye, Indonesia iyo Kuwait ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay wakiil diblomaasiyadeed ugu magacaabday Somaliland. Waxay tallaabadan ku tilmaameen xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Magacaabistii Dr Maxamed Cumar

Bishii Febraayo, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa saxiixay wareegto uu ku magacaabay Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud inuu noqdo safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil.

Dowladda Federaal Soomaliya ayaa diidan taalabo kasta oo faragelin ku ah madaxbanaanida dhulled ee dalka. Mowqifka dowladda iyo dadkaba waa in Somaliland ay weli tahay qeyb kamid ah dalka Soomaliya

Loollan juqraafiyeed

Falanqeeyeyaasha arrimaha dibadda ayaa aaminsan in arrintani aysan ku koobnayn oo keliya muran diblomaasiyadeed, balse ay taabaneyso dhinacyo kale oo muhiim ah—oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, iyo loollanka juqraafiyeed ee gobolka.

Tallaabada magaabista wakiilka ayaa taabaneysa xasaasiyadda ku xeeran arrimaha aqoonsiga, madaxbannaanida, iyo loollanka saameynta ee Geeska Afrika.

Arrin si dhaw loo eegaya

Arrintan ayaa si dhow loo eegayaa, iyadoo la filayo inay sii xoojiso doodaha ku saabsan madax-bannaanida iyo ilaalinta midnimada dalalka—gaar ahaan Soomaaliya oo weli ku jirta marxalad dib-u-dhis iyo xasillooni raadis.

Leave A Reply

Exit mobile version