Muddo seddex maalmood oo xiriir ah, waxaa jiray culeys internet oo aad u daran, kaas oo si weyn u saameeyay wada xiriirka bulshada iyo guud ahaan isticmaalka baraha bulshada.
Muqdisho, inta badan dadka waxay ku tiirsan yihiin adeegga internet-ka ay bixiso shirkadda Hormuud. Maalmihii la soo dhaafay, adeeggaasi ma ahayn mid si toos ah u shaqeynaya, taasoo keentay cabashooyin la xiriira carqalad ku timid macaamiisha.
Shirkadda Hormuud ayaa maalin ka hor sheegtay in ay ku hawlan tahay hagaajinta culeyska ku yimid adeegga internet-ka, isla markaana ay si degdeg ah u xallin doonto cilladda. Hase yeeshee, ilaa hadda ma muuqato in xal rasmi ah laga gaaray dhibaatadaas.
Bulshada ayaa si weyn uga falcelisay arrintan, iyagoo baraha bulshada ku wadaagay cabashooyin iyo aragtiyo muujinaya heerka dhibaatada. Qaar ka mid ah faallooyinka ayaa ahaa: “Shirkadda Hormuud, SIM-ka iga soo doonta internet xumada darteed,” iyo “Dowladda miyaa qadka xiratay?”
Tabashooyinkan sii kordhaya ayaa sababay in dadka qaar ay bilaabaan inay ka fikiraan ama xitaa u wareegaan shirkado kale oo bixiya adeegyada internet-ka.
Ma joogtaa Muqdisho, sidee ayaad adigu isaga maareysay culeyska internet-ka ee maalmihii la soo dhaafay?
