Golaha Ammaanka Qarmada Midoobay ayaa kordhiyay muddada Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ilaa 31 Diseembar 2026. qaraarkaas tixraaciisu yahay 2809 ayaa goluhu si wadajir ah u ansixiyeen.
Ciidamada Midowga Afrika oo ka kooban 11,826 askari oo ay ku jiraan 680 booliis ah ayaa sii wadi doona hawlgalka amni illaa dhammaad sannadka 2026.
Sidoo kale, golaha ammaanka ayaa ansixiyay in hawlgallada xafiiska UN-ka ee Soomaaliya (UNTMIS) la gebaganeyn doona ee, 31 bisha October 2026; Sida ku cad go’aanka rasmiga ee golaha amaanka ee la ansixiyey bishii December 2025.
Xafiiska hawlgalka UN ee Soomaaliya ayaa loo aas-aasay si loo taageero nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliay.
Qaraarkan ka soo baxay golaha ammaanka Qarimida Midoobay, waxa uu qeyb ka yahay qorshaha kala-guurka, iyadoo Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan dadaallada nabad ilaalinta.
Tani waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa isbeddelka siyaasadeed iyo amni ee dalka—taas oo ka dhigaysa, Soomaaliya in ay ku talaabsatay isku-filnaasho dhinaca amniga ah, iyadoo awoodda ilaalinta nabadgelyada si tartiib tartiib ah loogu wareejinayay ciidamada iyo hay’adaha aminga.
