Midowga Afrika ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu dejinayo xiisadda ka sii dareysa waqooyiga Itoobiya, isagoo Olusegun Obasanjo, madaxweynihii hore ee Nigeria ahna Wakiilka Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, u xil-saaray inuu si degdeg ah ula xiriiro dhinacyada isku haya gobolka.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa sheegay in Obasanjo uu taageerayo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu dhimayo xiisadda, dhiirrigelinayo wada-hadalka, isla markaana la ilaalinayo geeddi-socodka nabadda.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallada tooska ah ee ku saleysan Heshiiskii Pretoria ee 2022, kaas oo uu weli u arko saldhigga geeddi-socodka nabadda.
Tallaabadan ayaa timid kaddib warar sheegaya in la qabsaday garoomada diyaaradaha ee Mekelle, Axum iyo Shire, lana xiray qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka, iyadoo dagaallo cusubna ay ka dhaceen qaybo ka mid ah Tigray, Koonfurta Tigray iyo Afar.
Si kastaba, TPLF ayaa horay su’aal uga keentay dhexdhexaadnimada Obasanjo, iyadoo dalbatay dhexdhexaadiye madax-bannaan. Xafiiska Obasanjo ayaa eeddaas iska diiday, isagoo sheegay in hawshiisu aysan u janjeerin dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya.
