Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay kaga hadashay dilkii ka dhacay deegaanka Aricadeeye ee gobolka Sool oo ay ku dhimatay ku dhawaad 30 qof.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay ka xun tahay colaadda ka dhacday deegaankaas, oo ay ku tilmaantay mid u dhexeysa laba beelood oo walaalo ah, taasoo sababtay khasaare naf iyo maalba leh. Sidoo kale, waxay cambaareysay falalka gacan-ka-hadalka ah ee sababay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka rayidka ah.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dhacdada ay ku jiraan haween, carruur, waayeel iyo odayaal dhaqameed, halka tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen.
Ugu yaraan 21 qof oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday colaadda ayaa shalay loogu sameeyay aas-wadareed deegaanka, iyadoo maydadkooda lagu aasay hal goob.
Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin xooggan oo ka timid bulshada iyo siyaasiyiinta, kuwaas oo ku tilmaamay dhacdada mid ka baxsan bani’aadantinimada iyo dhaqanka wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.
Dhinacyo kala duwan ayaa sidoo kale maamulka Waqooyi Bari ku eedeeyay inuu ku guuldareystay ka hortagga colaadda, inkastoo maamulkaasi uusan si rasmi ah uga jawaabin eedeymahaas.
Wasiirka Warfaafinta Waqooyi Bari ayaa sheegay in deegaanka laga saaray maleeshiyaadkii ku lug lahaa dagaallada, isla markaana ciidamada maamulka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka.
Dhacdada Aricadeeye ayaa sababtay walaac laga qabo soo laabashada colaadaha ku saleysan qabaa’ilka, xilli Soomaaliya ay muddooyinkii dambe dadaal ugu jirtay dib-u-heshiisiin iyo xasilinta bulshooyinka ay colaadaha saameeyeen.
