Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Macawiisleyda ay isaga baxeen qaar ka mid ah furimaha dagaalka, iyagoo ku sii qulqulaya magaalada Beledweyne, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee gobolka.
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamadu ay banneeyeen difaacyo ku yaalla duleedka degmooyinka Buuloburde iyo Matabaan, halka ciidamo kale la sheegay inay qorsheynayaan inay ka baxaan aagga Jalalaqsi.
Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo aadaya iyadoo xaaladda Beledweyne ay sii adkaanayso, kaddib markii ciidamo Macawiisley ah oo taageero ka helaya siyaasiyiin iyo ganacsato deegaanka ah ay la wareegeen qaybo muhiim ah oo ka tirsan xarunta maamulka Lamagalaay.
Xiisadda ayaa salka ku haysa khilaafka maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan muranka ka dhashay doorashadii Cali Guudlaawe, kaas oo ay ka soo horjeedaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.
Macawiisleyda ayaa sannado badan door muhiim ah ka ciyaarayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo garab siinayay Ciidanka Xoogga Dalka.
Hase yeeshee, ka bixitaanka ciidamadan ee furimaha dagaalka ayaa walaac ka dhalinaya saameynta uu khilaafka siyaasadeed ku yeelan karo howlgallada amniga, iyo suuragalnimada in Al-Shabaab ay ka faa’iideysato kala fogaanshaha ciidamada.
Xiisadda ayaa sii xoogeysanaysa iyadoo la filayo in Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax, iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan magaalada Beledweyne.
Waxaa weli la sugayaa jawaabta Dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ee xaaladda magaalada. Beledweyne ayaa weli ku jirta xaalad kacsan, iyadoo aan ilaa hadda la soo sheegin dagaal toos ah oo dhexmaray dhinacyada.
