Madasha Samatabixinta ayaa magacaawday guddi ka kooban saddex xubnood oo dowladda Federaalka kala xaajoonaya arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.
Guddigan ayaa la filayaa inuu la kulmo guddi farsamo oo dowladda u xilsaartay diyaarinta wadaxaajoodka, si ay uga heshiiyaan ajandaha wadahadal ballaaran.
Xubnaha guddiga mucaaradka ayaa kala ah madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab.
Kulanka hordhaca ah ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro diyaarinta ajande ay dhinacyadu ku wada xaajoon doonaan, kaas oo taabanaya wax-ka-beddelka dastuurka, iyo hannaanka doorashooyinka.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu mucaaradka ugu baaqay inay dowladda kala hadlaan khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.
Si kastaba weli ma cadda in Puntland iyo Jubbaland ay ka qayb geli doonaan wadaxaajoodka. Sidoo kale, guddigan wuxuu matalayaa qayb ka mid ah mucaaradka, mana jiro ilaa hadda heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo la gaaray.
Kulanka 14-ka November ayaa noqonaya tallaabo hordhac ah oo lagu tijaabinayo suuragalnimada in dowladda iyo qaybaha mucaaradku ka heshiiyaan ajandaha wadaxaajoodka, iyadoo weli ay taagan yihiin su’aalo ku saabsan cidda ka qayb galaysa iyo baaxadda heshiiska la doonayo.
