Iyadoo ay sii socdaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, ayaa waxaa soo baxaya rajooyin muujinaya in la gaari karo heshiis lagu yareeyo colaadda, iyadoo wararku sheegayaan in dhinacyadu ka wada hadlayaan qorshe hordhac ah oo dib loogu furayo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz
Madaxweyniha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiis u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan dhowaan la saxiixi karo, isla markaana marka uu dhaqan galo dib loo furi doono Hormuz. Sidio kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in labada dhinac ay 24-ka saac ee soo socda si dijitaal ah ugu saxiixi karaan heshiis is-afgarad ah oo lagu soo afjarayo xiisadda taagan.
Qorshaha la soo jeediyay ayaa dhigaya in Iiraan ay dib u furto marin-biyoodka Hormuz, halka Mareykankuna uu qaado qaar ka mid ah xannibaadaha saaran dekedaha iyo dhoofinta shidaalka Iiraan.
Si kastaba, gudaha Iiraan waxaa ka socda mudaaharaadyo ay dhigayaan qaar ka mid ah shacabka, kuwaas oo ku eedeynaya dowladda inay sameyneyso tanaasul siyaasadeed oo aan dan u ahayn dalka. Qodobka ugu weyn ee weli la isku hayo ayaa ah barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
Mareykanka ayaa doonaya in la xaddido ama la burburiyo kaydka uranium-ka ee hodanka ah, halka Iiraan ay ku adkeysaneyso inay sii waddo barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo ku doodaysa inuu yahay mid nabadeed oo sharci ah.
Pakistan iyo Switzerland ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray wadahadallada, iyadoo Islamabad lagu tilmaamay inay door muuqda ka qaadatay dadaallada dhexdhexaadinta. Wararka la helayo ayaa sheegaya in heshiisku marayo heerarkiisii ugu dambeeyay, isla markaana la filayo in saxiixiisu ka dhaco magaalada Geneva haddii la isku af-garto qodobbada harsan
