Muqdisho, waxaa xalay ka dhacayy kulan u dhaxeeya madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre, laakiin kulankooda lama shaaciin.
17kii Janaayo Ra’iisul wasaarahe Xamse Cabdi Barre oo ka hadlaya xafladii caleemosaarka Madaxweynaha maamulka Waqooyi bari ayaa sheegay in uu Axmed Madoobe uusan Maxaxweyne u qoonsaneyn! Ma se jirin, ka laabasho rasmi ah oo ku aaddan arrintaas.
“Madaxweyne Qoor qoor waa fadhiyaa laakin Deni ma fadhiyo, kan kale ani Madaxweyne uma aqaano”. – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre
Dhankiisa, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa asna horay u sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, yahay xildhibaan laga soo doorto Jubbaland, loona adeegsanayo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkiisa, isaga oo xusay in isku dayo hore oo la mid ah ay fashilmeen.
“Waxaa nasiib darro ah wiilkii shalay aan xildhibaanka siinnay oo Ra’iisul Wasaaraha in uu maanta noqday cidda loo adeegsanayo Jubbaland burburinteeda”, – Axmed Madoobe
Haddalladaas ay isku adeegsadeen labada dhinaca ayaa muujinaayo, Xiisadda siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanta ku saabsan awoodda iyo hoggaaminta Jubbaland, iyada oo labada dhinac ay u muuqdaan kuwa aad kala fog.
Kulan hore oo ku dhexmaray Kismaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Axmed Madoobe ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan; iyada Villa Somaliya iyo Madaxtooyada Jubaland ay faafiyiin in uu midba midka kale la kulmay walaalkiisa!
Weli war rasmi ah lagama soo saarin kullanka Xamse iyo Madoobe, waxaana isha lagu hayaa sida uu Xafiiska Ra’iisulwasaaraha u dhigo kullankaan iyo in xafiiska qiri doono in Madoobe yahay Madaxweynaha Jubaland.
Ilaa hadda waxay umuuqataa in la kala xeeladeystay. Waxaase jirta, su’aal mudan in la – isweeydiiyo, Dowladda, title noocee ah ayay ku qaabili doontaa Axmed Madoobe? Ma madaxweynaha Jubbaland mise Walaalkood?
