November 16, 2026

Muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ma dhammaaday mise weli waxbaa u harsan? Adiguba waad isweydiineysaa, sax? Haddaba ii oggolow inaan si kooban kuugu iftiimiyo sida ay wax u jiraan.

Xalay, Madaxweyne Xasan Sheekh, khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa ku adkeystay in muddo-xileedkiisu ku egyahay bisha May 2027.

“Muddo Xileedka Dowladdaan Waxuu dhacayaa 15-MAY 2027” ayuu yiri Xasan Shiikh Maxamuud.

Laakiin, horey isla Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fagaaro ka sheegay in muddo-xileedkiisa rasmiga ah uu ku egyahay 15-ka May, isla markaana maalinta xigta la dooran doono madaxweynihii beddeli lahaa.

“15-ka May, ayaa la-idoortay, doorashada madxweynaha in 15-ka May, ay dhacdi ayaa rabaa mana rabo in wax lagu daro”. – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,

Golaha Mustaqbalka ayaa dhankooda ku dooday in muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku ekaa 15-ka May 2026, iyagoo dooddaas ku saleeyay dastuurka kumeelgaarka ah. Waxayna xitaa ugu yeereen Xasan Sheekh “madaxweynihii hore.”

Sida uu dhigayo Dastuurka Kumeelgaarka ah oo ay taabacsanyihiin ee Soomaaliya, gaar ahaan qodobbada 60-aad iyo 91-aad, muddo-xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa afar sano.

“16-ka May, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu noo noqonayaa Madaxweynihii Hore ee dalka, oo ah muwaadin asagoon sharciyad heysan dhex deggan Villa Somalia.” RW hore Xasan Cali Kheyre

Mar kale aan dib kuu xasuusiyo: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay in wax-ka-beddelladii lagu sameeyay dastuurka aysan dhaqan-gal u ahayn muddo-xileedkan hadda socda, balse ay khuseyn doonaan muddo-xileedka xiga.

“Dastuurka waan ka shaqeynaynaa, waana dhammaystiraynaa. Marka uu dhammaystirmo oo lagu heshiiyo, wuxuu ka dhaqan geli doonaa teeramka xiga, teeramkan hadda socda se ma quseyn doono”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Hase yeeshee, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in dastuurka wax laga beddelay uu hadda dhaqan-gal yahay.

“Qodob kasta oo ka mid ah Dastuurka oo uu Baarlamaanku wax ka beddelo wuxuu dhaqan galayaa isla saacaddaas, sida uu si cad u qabo Dastuurka dalka”. ayuu yiri  Guddoomiye Aadan Madoobe

Haddaba, waxaa muuqata ismaan-dhaaf siyaasadeed iyo fasiraado kala duwan oo ku saabsan muddo-xileedka Madaxweynaha. Waxaana sii xoogeysanaya walaaca iyo khilaafka siyaasadeed ee gudaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in muddo-xileedkeedu aanu dhammaan, halka mucaaradkuna ay ku doodayaan in ay qasab tahay in Madaxweynaha uu aqbalo in muddo-xileedkiisu dhammaaday.

Leave A Reply

Exit mobile version