Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) inay weli ku dheggan tahay fikir iyo hab-dhaqan siyaasadeed oo duugoobay, kuwaas oo uu sheegay inay la jaanqaadi karin xaaladda siyaasadeed ee maanta ka jirta Itoobiya.
Abiy Ahmed ayaa sheegay in TPLF, oo uu ku tilmaamay urur la kala diray, ay si cad u jebisay Heshiiskii Nabadda Pretoria, isla markaana ay u muuqato inay isu diyaarinayso wejiga cusub ee colaadda.
Wareysi uu siiyay Shabakadda Raadiyaha Oromia, ayuu Abiy ku sheegay in TPLF ay adeegsanayso xeelado iyo isbahaysiyo siyaasadeed oo hore, oo daneynaya dhinacyo shisheeye oo muddo dheer doonayay inay wiiqaan awoodda iyo xasilloonida Itoobiya.
Abiy Ahmed wuxuu sheegay in TPLF ay weli ku shaqeyso fikirkii iyo hababkii siyaasadeed ee u gogol xaaray inay awoodda dalka qabato horraantii sagaashamaadkii, inkastoo ay Itoobiya xukuntay muddo 27 sano ah.
Abiy ayaa sidoo kale ku eedeeyay TPLF inay weli isu soo bandhigto sidii “dhaqdhaqaaq xoreyn”, balse ay mudnaanta siinayso dano urureed oo gaar ah, halkii ay ka shaqeyn lahayd danaha guud ee shacabka Tigray.
Wuxuu intaas ku daray in TPLF ay isku dayayso inay kooxaha hubeysan ee ka howlgala gobollada kale ee Itoobiya u adeegsato qalab ay ku gaarto ujeeddooyinkeeda siyaasadeed, halkii ay ula macaamili lahayd sidii dhinacyo siyaasadeed oo siman.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dagaalyahanno hubeysan ay dib ugu laabanayaan nolosha rayidka kadib markii ay aqbaleen hindisaha nabadeed ee dowladda, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdu weli diyaar u tahay wada-hadal.
“Albaabka nabaddu weli wuu furan yahay,” ayuu yiri Abiy Ahmed, isagoo sheegay in dowladda ay soo dhoweynayso cid kasta oo diyaar u ah inay qaadato waddada ka-qaybgalka siyaasadeed ee nabadeed iyo wada-hadalka.
