November 13, 2026

Feeryahannadda Soomaaliyeed Ramla Cali ayaa taariikh cusub ka dhigtay ciyaaraha feerka, kaddib markii ay ku guuleysatay labo suun oo heer caalami ah, iyadoo ka adkaatay feeryahanadda Mareykanka ah ee Mikiah Kreps.

Guushan ayaa Ramla ka dhigtay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ee ku guuleysata horyaal feerka adduunka ah

Tartanka oo ka dhacay magaalada Arlington ee gobolka Texas, Mareykanka, ayaa socday 10 wareeg, waxaana Ramla ay guusha ku xaqiijisay go’aan ay garsoorayaashu ku kala aragti duwanaadeen.

Laba garsoore ayaa guusha siiyay Ramla, halka garsooraha saddexaad uu guusha siiyay Kreps

Ramla ayaa wareegga saddexaad dhulka ku dhigtay Kreps, kaddib feer xooggan oo ay ku garaacday. Hase yeeshee, feeryahanka Mareykanka ayaa dib usoo kabatay, waxaana inta badan wareegyada dambe ay u muuqatay inay ciyaarta gacanta ku hayso.

Inkasta oo natiijada tartanka ay dhalisay dood, Ramla ayaa ku guuleysatay labada suun ee Ururka Feerka Caalamiga ah ee IBF iyo Ururka Feerka Adduunka ee WBO, kuwaas oo ah horyaallada miisaanka loo yaqaano Junior Featherweight.

Ramla waxay noqotay feeryahankii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku matala ciyaaraha Olombikada, iyadoo ka qayb gashay tartankii Tokyo 2020.

Waxay sidoo kale taariikhda gashay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah ee ku guuleysata horyaalka feerka hiwaayadda ee England.

Ramla ayaa guusha u hibeysay aabbaheed oo geeriyooday bishii May ee sannadkan, iyadoo sheegtay inay guushani qiimo weyn u leedahay Soomaaliya.

Waxay sidoo kale rajo ka muujisay in guusheedu dhiirrigelin u noqoto gabdhaha iyo wiilasha Soomaaliyeed ee ku hamminaya inay gaaraan heer sare.

Guusha Ramla Ali waxay Soomaaliya u horseedday bog cusub oo taariikhda ciyaaraha feerka ah, iyadoo magaceeda ku biirisay liiska horyaallada adduunka ee feerka.

Leave A Reply

Exit mobile version