Kaddib joojintii ganacsatada ee isticmaalka Shillinka Soomaaliya, waxaa gebi ahaanba istaagay—adeegsigiisa. Sarriflayaasha, ganacsatada iyo xitaa gaadiidka dadweynaha ayaa ka gaabsaday qaadashadiisa, iyagoo ka fogaaday isticmaalkeeda.
Xitaa dadka danyarta ah ee tuugsada ayaa bilaabay inay diidaan qaadashada Shillinka Soomaaliga, iyagoo doorbidaya in lagu siiyo kaalmada evc.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 15-kii April soo saaray amar ku saabsan adeegsiga Shillinka Soomaaliya, isagoo sheegay in aan la oggolaan karin diidmada lacagtaas, ayna tahay fal sharci-darro ah.” marnaba suurtgal ma’aha in la diido adeegsiga lacagta Shilin Soomaaliga ah”. Maamulka Gobolka Banaadir
Shillinka Soomaaliya ayaa muddo dheerba saameyay sicir-barar joogto ah. Arrintan ayaa loo arkaa sababta ugu weyn ee keentay in bulshada iyo ganacsatadu lumiyaan kalsoonidii ay ku qabeen isticmaalkeeda.
“Koob shaah iyo hal moos ma goynayaan Shillin Soomaaliya mana ku iibsan kartid—maxay ii taraysaa?” ayuu yiri mid ka mid ah dadka danyarta ee ku dhaqan Muqdisho.
Joojinta qaadashada Shillinka ayaa si toos ah u saameysay sarriflayaasha iyo shacabka danyarta ah ee maalinlaha u adeegsada gaadiidka dadweynaha.
Waxay hadda wajahayaan caqabado ku saabsan helitaanka iyo isticmaalka lacag ay ku macaamilaan.
Shillinka Soomaaliya, oo soo maray marxalado kala duwan, ayaa u muuqda mid sii lumiyay doorkiisii suuqa. Tani waxay halis gelinaysaa sumcadda iyo jiritaanka lacagta qaranka.
Haddaba, goorma ayaa dalka loo samayn doonaa lacag cusub oo rasmi ah, si dib loogu soo celiyo kalsoonida Shillinka Soomaaliya?
