August 12, 2026

Soomaaliya ayaa sanadkan ka baxsan 10-ka dal ee ugu hooseeya qiimeynta Global Peace Index 2026, taasoo muujinaysa horumar marka loo eego sannadihii hore.

Warbixinta ay soo saartay machadka Institute for Economics & Peace (IEP) ayaa Soomaaliya gelisay kaalinta 153-aad ee 163 dal, iyadoo heshay dhibco dhan 2.973.

Inkasta oo Soomaaliya ay kaalinta 151-aad ku jirtay qiimeyntii 2025, haddana dhibcaheeda guud ee nabadda ayaa sanadkan wax yar soo hagaagay, taasoo muujinaysa isbeddel wanaagsan oo ka muuqda qaar ka mid ah cabbirrada lagu qiimeeyo nabadda iyo xasilloonida.

Sidee ayaa Soomaaliya loo qiimeeyay?

Global Peace Index wuxuu qiimeeyaa 163 dal iyo dhulal, isagoo adeegsanaya 23 tilmaamood oo la xiriira nabadda iyo xasilloonida. Tilmaamahaas waxaa ka mid ah amniga bulshada, colaadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, iyo heerka militariga ee dalka.

Qiimeynta 2026, Soomaaliya waxay ka sarreysaa 10 dal marka la eego heerka nabadda, waxaana ka hooseeya dalal ay ka mid yihiin Mali, Suuriya, Yemen, Afghanistan, Koonfurta Suudaan, Israel, Ukraine, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Suudaan iyo Ruushka.

Dhanka amniga, Iceland ayaa mar kale noqotay dalka ugu nabadda badan dunida, halka Ruushka uu galay kaalinta ugu dambeysa. Waxaa ku xigay Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Ukraine iyo Israel.

Gobolka Geeska Afrika

Warbixinta GPI 2026 waxay si gaar ah u tilmaamaysaa Geeska Afrika inuu yahay mid ka mid ah gobollada ay colaadaha iyo xasillooni-darradu si weyn isugu xiran yihiin.

IEP waxay sheegtay in Soomaaliya, Suudaan, Itoobiya, Eritrea, Koonfurta Suudaan iyo dalalka ku xeeran ay qayb ka yihiin nidaam colaadeed oo isku xiran, halka khilaafaadka dalalkaasi ay saameyn ku yeelan karaan midba midka kale.

Caalam ahaan, warbixintu waxay sheegtay in 61 colaadood oo hubeysan oo ay dowlado ku lug leeyihiin ay ka jireen dunida, tirada ugu sarreysa tan iyo dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka. In ka badan 181,000 qof ayaa lagu dilay colaadaha intii lagu jiray 2024.

Sidoo kale, kharashka dhaqaale ee rabshadaha iyo colaadaha ayaa gaaray ku dhowaad $19.97 tiriliyan, oo u dhiganta 11.6% wax-soo-saarka guud ee dunida.

Soomaaliya sidaas darteed kama mid aha 10-ka dal ee ugu nabadda yar dunida sanadkan, laakiin kaalinta 153-aad waxay muujinaysaa in dalka uu weli wajahayo caqabado waaweyn oo dhinaca amniga, colaadaha iyo xasilloonida ah.

Leave A Reply

Exit mobile version