Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib u heshay furaha caalamiga ah ee loo adeegsado iibinta tigidhada diyaaradaha, tallaabo la filayo inay fududeyso lacag-bixinta shirkadaha duulimaadyada iyo wakaaladaha socdaalka.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyey kulanka Golaha Wasiirrada, iyadoo weli loo baahan yahay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goorta nidaamku si rasmi ah u shaqeynayo iyo cidda ka faa’iideysan doonta.
Dib-u-soo-celintan ayaa daba socota barnaamij tijaabo ah oo bishii Abriil 2026 ay Soomaaliya ka bilowday Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka, IATA, kaas oo la xiriira nidaamka loo yaqaano Billing and Settlement Plan, ama BSP.
Nidaamkan ayaa isku xira iibinta tigidhada iyo xisaab-xirka lacagaha u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha socdaalka ee la aqoonsan yahay.
IATA ayaa hore u sheegtay in barnaamijkan uu gaari karo in ka badan 300 oo wakaaladood oo socdaal oo ku yaalla Soomaaliya.
Haddii nidaamku si buuxda u shaqeeyo, wuxuu wakaaladaha socdaalka ee gudaha ka caawin karaa inay si fudud ula macaamilaan shirkadaha diyaaradaha ee caalamiga ah, isla markaana uu hagaajiyo habraacyada iibinta tigidhada.
Laakin waxaan weli la haynin faahfaahin rasmi ah taariikhda uu nidaamku shaqada bilaabayo, shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha ka qeyb qaadanaya, iyo baaxadda adeegyada uu daboolayo.
Dib-u-soo-celinta furaha caalamiga ee tigidhada diyaaradaha ayaa fursad u noqon karta horumarinta adeegyada duulista iyo wakaaladaha socdaalka Soomaaliya, balse saameynta dhabta ah waxay ku xirnaan doontaa goorta nidaamka si rasmi ah loo hawlgeliyo iyo sida ay uga faa’iideystaan shirkadaha iyo wakaaladaha dalka.
