Soomaaliya ayaa loo doortay xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028 — taas oo ah tallaabo muujinaysa kalsoonida ay dalalka xubnaha ahi ay ku qabaan doorka ay ku leedahay nabadda iyo amniga qaaradda Afrika.
Doorashadan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay guul diblomaasiyadeed, iyadoo Soomaaliya heshay codoa gaaaya 46-cod ayna ballan qaaday xoojinta ka hortagga khilaafaadka, nabad-dhisidda iyo iskaashiga la dagaallanka argagixisada, si loo taageero soo kabashada dalalka colaadaha kasoo kabanaya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed – isaga oo hanashada Soomaaliya ee ku aaddan kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, (2026–2028), ku tilmaamay in guushan ay astaan u tahay horumarka diblomaasiyadda Soomaaliya gaartay.
“Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay caddeyn u tahay isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo xiriirka iskaashi ee sii xoogeysanaya”. Xasan Sheekh Maxamuud – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Soomaaliya waxay sheegtay inay sii adkayn doonto wadajirka Afrika iyo iskaashiga amniga guud, sidoo kalena ay si dhow ula shaqeyneysa saaxiibada AU-da ayna hiigsanaysa qaarad xasilloon, nabdoon, horumarna gaarta.
Horay, Soomaaliya ayaa isku dayday in ay hanato xubinnamada Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika – sannadkii 2021.
