November 13, 2026

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 6.5 milyan oo qof ay abaartu saameysay, iyadoo 2 milyan ay ku sugan yihiin xaalad halis ah, isla markaana meelaha qaar laga soo sheegay dhimasho la xiriirta abaarta.

Dalka waxaa ka jira abaaro ba’an oo si weyn u saameeyay nolosha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada miyiga ah ee ay ku badan yihiin xoolo-dhaqatada. Abaartan ayaa sababtay dhimashada xoolo tiro badan, cunto yari baahsan iyo barakac ballaaran. Roob la’aanta ka jirta guud ahaan geyiga Soomaaliya, oo soo jiitamaysay muddo saddex xilli roobaad ah, ayaa ah sababta ugu weyn ee xaaladdan.

Qaar ka mid ah gobollada dalka waxaa laga soo warinayaa in abaartu si daran u saameysay, iyadoo meelaha qaarkood laga soo sheegay dhimasho la xiriirta biyo la’aan. Sidoo kale, abaartu waxay dhalisay dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin nafaqo-darro, kuwaas oo si gaar ah halis ugu ah carruurta iyo dadka nugul.

Xaaladahan adag ayaa sababay barakac baahsan, iyadoo kumannaan qoys ay ka soo hayaameen deegaanadoodii una guureen xeryaha barakacayaasha, iyagoo raadinaya gargaar iyo nolol ka wanaagsan tan ay ka soo tageen.

Inkastoo ay jiraan dadaallo gurmad oo ay wadaan hay’ado iyo shaqsiyaad iskood isu xilqaamay, haddana weli lama daboolin baahiyaha degdegga ah ee jira. Waxaa si weyn loogu baahan yahay gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah si loo gaarsiiyo biyo, cunto iyo adeegyo caafimaad deegaannada ay abaartu sida daran u saameysay.

Leave A Reply

Exit mobile version