Milatariga Suudaan ayaa sheegay inuu soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sugneyd gobolka niilka buluugga, kadib markii la sheegay in laga arkay iyadoo ka soo gudbaysa xadka dhanka Itoobiya
Dhacdadan ayaa soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo amniga xadka labada dal, iyadoo dagaalka sokeeye ee Suudaan uu weli socdo.
Milatariga Suudaan ayaa 12-kii Oktoobar sheegay in diyaaradda la soo riday fiidnimadii Axadda, 11-kii Oktoobar, meel u dhow deegaanka Wad al-Mahi.
Tani waxay daba socotaa warar hore oo ku saabsanaa dhacdooyin la mid ah oo bilihii Agoosto iyo Sebtembar laga soo sheegay xadka Suudaan iyo Itoobiya
Inkasta oo milatariga Suudaan sheegay in diyaaradda ay ka soo gudubtay dhanka Itoobiya, haddana xogta la shaaciyay ma caddaynayso cidda dirtay ama maamuleysay diyaaradda.
Ilaa hadda, lama xaqiijin goobta saxda ah ee laga soo diray diyaaradda, cidda gacanta ku haysay ama bartilmaameedkii ay ku wajahneyd.
Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo amniga xadka Suudaan iyo Ethiopia uu wajahayo walaac soo kordhaya. Hase yeeshee, ilaa laga helo caddeyn dheeraad ah, lama go’aamin karo cidda ka dambeysay diyaaradda ama in dhacdadani qayb ka tahay qorshe ballaaran oo ka dhan ah Suudaan.
