November 13, 2026

Iyadoo Donald Trump uu mar kale dhaleeceyn iyo weeraro ku qaaday Soomaalida Maraykanka iyo xildhibaan Ilhan Omar, ayaa saraakiil amni baaritaan ku sameeyeen guriga Ilhan Cumar ee Washington.

Tallaabadan ayaa sii kicisay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa xildhibaanadda iyo maamulka Trump, iyadoo su’aalo laga keenay sababta baaritaanka iyo waqtiga lagu qaaday.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Baarista Amniga Gudaha Maraykanka, ayaa baaritaanka sameeyeyay Isniintii, iyagoo adeegsanaya amar maxkamadeed.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa xaqiijisay in baaritaanku qayb ka yahay kiis dembiyeed oo socda, balse ma aysan shaacin faahfaahinta kiiska ama caddeymaha ay saraakiishu raadinayeen.

Baaritaankan ayaa imanaya xilli Trump uu khudbad uu ka jeediyay gobolka Ohio ku weeraray Soomaalida iyo Ilhan Cumar, oo muddo dheer ka mid ahayd siyaasiyiinta sida weyn u dhaliila madaxweynaha.

Su’aasha taagan ayaa ah waxa baaritaanku salka ku hayo iyo in uu xiriir la leeyahay eedeymihii hore ee loogu jeediyay Ilhan Cumar ee ku saabsanaa arrimaha socdaalka.

Madaxweyne-ku-xigeenka mareykanka JD Vance iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Trump ayaa hore u sheegay in Ilhan ay wajihi karto baaritaan la xiriira eedeymo ku saabsan dukumentiyada socdaalka. Ilhan ayaa beenisay eedeymahaas, mana jirto caddeyn dadweynaha loo soo bandhigay oo xaqiijinaysa inay dembi gashay.

Ilhan Cumar ayaa baaritaanka ku tilmaantay qayb ka mid ah olole cabsi-gelin siyaasadeed oo ay sheegtay in Trump ku hayo, iyadoo ku adkeysatay inaan marna la aamusiin doonin.

Hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiga ayaa iyaguna su’aalo ka keenay waqtiga baaritaanka, maadaama uu dhacayo toddobaadyo ka hor doorashooyinka dhexe ee Maraykanka.

Ilaa hadda, dowladda Maraykanku ma aysan faahfaahin waxa baaritaanka lagu raadinayay, mana jiraan eedeymo rasmi ah oo la shaaciyay oo ka dhashay  tallaabadan. 

Baaritaanka  lagu begsaday guriga Ilhaan Cumar ayaa weli dhalinaya su’aalo ku saabsan ujeeddadiisa, iyadoo la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo ka timaadda hay’adaha Maraykanka.

Leave A Reply

Exit mobile version