November 16, 2026

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan “Shub”, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay weerarkii lagu qaaday gurigiisa ee Doolow. Taliye Mahad wuxuu sheegay in gurigiisa lagu dhuftay gantaal laga soo tuuray diyaarada F-16. Laakiin cidda lahayd diyaaradda iyo cidda fulisay weerarka weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

Wareysi uu dhawaan siiyay Geed Fadhi, Shub wuxuu sheegay in weerarku dhacay xilli habeen ah. Wuxuu yiri: “Lix saac oo habeenimo marka ay ahayd ayaa diyaaraddii F-16 oo dusheyda taagan ku kacay…” — GENERAL MAHAD “SHUB”

Shub wuxuu sidaas ku sheegay inuu aaminsan yahay in gurigiisa si toos ah loo bartilmaameedsaday. Hadalka F-16 ayaa muhiim ah, maadaama eedeymo hore ay Türkiye la xiriiriyeen weerarka Doolow. Taliye Shub wuxuu caddeeyay sheekadiisa. Laakiin dowladda Federaalka waxay bixisay warbixin taas ka duwan.

Dowladda waxay horay u diidday in duqeyn cirka ah lagu qaaday guriga Shub, iyadoo sheegtay in qaraxu ka dhashay walxaha qarxa oo gudaha guriga lagu diyaarinayay.

Dhanka kale, Jubaland iyo xubno mucaarad ah ayaa sheegay in guriga lagu weeraray duqeyn, waxayna Türkiye ku eedeeyeen inay ku lug lahayd. Türkiye lafteedu si rasmi ah uma xaqiijin ama uma qiran inay weerarka fulisay. “….meeshii waan ka kacay, meeshii aan jiifay madaxeyga ayu uku dhacay.. labadaba messhii aan jiifaya ayay ku dheceen..” — GENERAL MAHAD “SHUB”

Dhacdada Doolow waxay timid xilli khilaafka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu isu beddelay iska horimaad hubeysan. Weerarka ayaa sidoo kale dhaliyay caro ka dhan ah Türkiye, iyadoo dibadbaxyo laga dhigay qaybo ka mid ah Gedo, waxaana meelo kamid ah lagu gubay calanka Türkiye.

Yaa fuliyay weerarkii Doolow, diyaaraddee ayaa la adeegsaday, yaase bixiyay amarka? Jawaabta su’aalahan weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

Leave A Reply

Exit mobile version