Bariga Dhexe ayaa galay marxalad aad u kacsan, iyadoo maalintii afraad ay soconayaan weerarro wadajir ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israaiil oo lala beegsaday Iiraan halka Tehran ay qaaday tallaabooyin jawaab celin ah oo ballaaran.
Weerarradan ayaa sababay burbur iyo khasaare naf iyo maal leh, iyadoo rabshaduhu ku fideen dalal kale oo gobolka ah.
Xaaladda Gudaha Iiraan
Caasimadda Tehran ayaa la kulantay duqeymo culus oo lagu beegsaday goobo dowladeed iyo kuwo taariikhi ah. Xarunta warbaahinta qaranka ee IRIB ayaa waxyeello gaartay, sidoo kale waxaa burbur soo gaaray Qasriga Golestan oo ku jira liiska dhaxalka adduunka ee UNESCO.
Tirada dhimashada gudaha Iiraan ayaa kor u dhaaftay 555 qof, sida ay sheegayaan warbaahinta dowladda. Dadka dhintay waxaa ku jira Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Khamenei.
Sidoo kale, warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in gantaal ay rideen Mareykanka iyo Israa’iil uu ku dhacay dugsi gabdho ku yaalla koonfurta dalka, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 165 qof.
Digniin ka timid Washington
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio ayaa ka digay in “weerarradii ugu culuslaa ay soo socdaan,” isagoo xusay in Washington aysan joojin doonin howlgallada ilaa laga gaaro dhammaan ujeeddooyinka milatari ee la dejiyay.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa isna sheegay in duqeymaha ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo in awoodda milatari ee Iiraan si buuxda loo wiiqay.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka, Pete hegseth ayaa difaacay weerarrada, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay in la curyaamiyo ciidanka badda ee Iiraan lana soo afjaro hamigeeda nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer.
Jawaabta Iiraan iyo Xiritaanka Marinka Hormuz
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in la xiray Marinka Hormuz — marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee maraakiibta shidaalka caalamka. Waxay sidoo kale ku hanjabeen inay gubi doonaan markab kasta oo isku dayo inuu maro halkaas.
Go’aankan ayaa si weyn u gilgilay suuqyada tamarta, maadaama shidaalka dunida la soo mariyo Hormuz.

3 Comments
Pingback: dapoxetine online pharmacy
Pingback: doxycycline hyclate 100mg
Pingback: remeron 15 mg price