Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga jawaabay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in “talo la dhax dhigayo aysan jirin,” xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka ku saabsan doorashada dalka.
Sheekh Shariif ayaa ku adkeystay in talada doorashada ay u dhexeyso shacabka Soomaaliyeed, ayna tahay in Soomaalidu ka tashato mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
SHEEKH SHARIIF ayaa yiri “Talada Soomaalidu ayay u dhexeysaa, talo qof garab u saran ma jirto, mana jiri doonto. Haddii talo jirto, Soomaalida ayay tahay inay tashato, Soomaalina way tashaneysaa.”
Hadalka Sheekh Shariif ayaa imanaya kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay baaqyada loo jeedinayo dowladda ee ku aaddan wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro doorashada.
Xasan sheikh, “Talo dhulka la dhigaayo ma jirto..”
Khamiistii, Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay jadwalka doorashada federaalka, taas oo dhalisay diidmo xooggan oo kaga timid xildhibaano golaha shacabka iyo mucaaradka.
Mucaaradku waxay ku doodayaan in jadwalka lagu dhawaaqay uu yahay go’aan hal dhinac ah, maadaama aan heshiis siyaasadeed laga gaarin hannaanka doorashada, isla markaana sharciyadda guddiga lafteeda lagu muransan yahay.
Khilaafka doorashada ayaa hadda salka ku haya cidda go’aaminaysa hannaanka doorashada iyo sida loo xaqiijinayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Sheekh Shariif wuxuu ku adkeysanayaa in talada Soomaalida ay Soomaalidu leedahay, iyadoo mucaaradku ay ka digayaan in go’aannada hal dhinac ahi dalka u horseedi karaan hannaan doorasho oo barbar socda kan dowladda.
