Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa jeediyay hadalladii ugu adkaa ee dowladda kasoo baxa tan iyo markii uu sii xoogeystay ismariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka.
Fiqi ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay qorsheynayeen “duullaan” ka dhan ah dowladda, isaga oo sheegay in dhacdadii 24-kii Sebtembar ee sannadkii hore ay ahayd maalin ay ahayd in Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, “madaxa lagu dhufto.”
Mucaaradka ayaa maalintaas booqday saldhigga degmada Wardhiigley, iyaga oo sheegay inay u tageen odayaal halkaas lagu xiray.
“Xasan sheekh hadduu uu ku weerarayo, saldhigga wardhiigley ayaa ugu tagtay adiga oo hubeysan; maalinkaas ayay ahayd in madaxa lagugu dhufto” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Golaha Mustaqbalka ayaa si adag u cambaareeyay hadallada Wasiirka Gaashaandhigga, iyaga oo ku tilmaamay “hanjabaado siyaasadeed” oo sii hurin kara xiisadda taagan. Waxay sidoo kale ka digeen in abaabulka ciidamada iyo hadallada kulul ay khatar gelin karaan xasilloonida dalka.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale si kulul uga hadlay bannaanbaxa ay mucaaradku iclaamiyeen 4-ta bisha juun.
“10-kii bishan ayay bannaanbax qabteen, bannaanbaxaasna waa la arkay, waana lagu maadeystay. Sheekhuna halkaa Kaaraan ayuu tagay, dadkiina way soo bixi waayeen. Kaalay, meeqey sannadood dhimman weysay?” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, islamarkaana ay sii kordhayaan farriimaha iska soo horjeeda ee dowladda iyo mucaaradka ay warbaahinta isku mariyaan.
Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in bannaanbaxyadu yihiin kuwo nabadeed oo waafaqsan dastuurka, iyaga oo ku doodaya in shacabka uu xaq u leeyahay isu soo bax siyaasadeed.
“Dad Soomaaliyeed oo bannaanbaxaya, oo cabbiraya dareenkooda, isla markaana aysan hoggaaminayn madaxda mucaaradka, in rasaas lagu furo waxay tilmaamaysaa dhaqanka dowladda,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre
Laakiin dowladda Federaalka ayaa si ka duwan u fasirtay arrintaas.
Mas’uuliyiinta dowladda, oo uu kamid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiir Fiqi, ayaa bannaanbaxyada ku tilmaamay kuwo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida Muqdisho, isla markaana la xiriira abaabul fowdo iyo kicin bulsho.
“Shacabka Muqdishoow ha usoo bixina nimankaas, ayaga ma’ahan Hiil shacb ee waa halaag shacab”. ayuu yiri Axmed Macallim Fiqi
Dhammaadka muddo-xileed kasta, waxaa soo ifbaxa sida dowladda iyo mucaaradku ugu loollamaan fasiraadda dhacdooyinka maalinlaha ah. Dhinac walba wuxuu bulshada u gudbinayaa fasir u dan ah, halka warbaahinta iyo baraha bulshadu ay yihiin goobta ugu weyn ee dagaalka siyaasadeed.
