November 18, 2026

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee ku aaddan sii wadista maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), muddo hal sano ah.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Washington ay dib uga laabatay qorshe hore oo ay ku joojinaysay maalgelinta taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayay ku sheegtay in ay si weyn u qadarinayso doorka Mareykanka ee taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in afartii sano ee la soo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen in ka badan 20 saldhig oo ku yaalla jiidaha hore ee dagaalka, kuwaas oo markii hore ay maamulayeen ciidamada Midowga Afrika.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo tirada ciidamada AUSSOM oo markii hore ahayd 21,000 oo askari la dhimay, lana gaarsiiyay ku dhowaad kala bar tiradii hore.

Dhanka kale, Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegtay in Mareykanku uu dib uga laabtay go’aankii hore ee joojinta maalgelinta, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay xaqiijisay taageerada muddo-kordhinta hal sano ah ee UNSOS iyo AUSSOM.

UNSOS ayaa door muhiim ah ka qaata taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada, gaadiidka iyo adeegyada caafimaadka, kuwaas oo lagama maarmaan u ah sii socoshada howlgalka AUSSOM.

Go’aankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur amni, isla markaana ay dadaallo ugu jirto dhismaha awoodda ciidamadeeda si ay si tartiib-tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amniga dalka, una yareeyaan ku tiirsanaanta taageerada ciidamada shisheeye.

Leave A Reply

Exit mobile version