November 15, 2026

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa xiray lix kamid ah dhallinyaro lagu eedeeyay inay dhigayeen dibadbaxyo la xiriira muddo xileedka madaxweynaha iyo cabashooyin ku saabsan burburinta guryahooda.

Eedeymo la xiriira dibadbaxyo iyo rabshado

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhallinyarada la xiray ay ku lug lahaayeen rabshado iyo saxmad ka dhacday goobaha hubinta amniga ee Muqdisho.

Booliska ayaa sidoo kale ku eedeeyay inay abuureen xaalado khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo isu socodka bulshada, iyagoo sheegay in loo gudbin doono maxkamadda.

Taliska ayaa sheegay inaan la oggolayn bannaanbaxyo ama isku imaatin aan sharciyeysneyn, islamarkaana aan la qaban karin iyadoo aan la marin habraacyada amni ee hay’adaha dowladda.

Hadalka Booliska ayaa kusoo aadaya xilli uu Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud horay u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay bannaanbax sameeyaan oo ay cabashadooda muujiyaan, haddii loo maro si waafaqsan dastuurka dalka.

“Dadka waa xor, waa way banaanbixi karaan, meeshii la isla gartaa ayey ku banaanbixi karaan, Dowladduna amnigooda ayey ballanqaadeysaa.” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u xirtay dhallinyaro, wariyaal iyo shacab kale oo dhaliilo ku saabsan arrimaha dowladda iyo xaaladaha dalka ku baahin jiray warbaahinta iyo baraha bulshada.

Xariggan cusub ayaa mar kale dib u soo celiyay doodda ku saabsan xorriyadda hadalka, xaqa dibadbaxa iyo sida loo wajahayo cabashooyinka bulshada.

Leave A Reply

Exit mobile version