Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay ansixinta dhammeystirka Dastuurka — tallaabo ka dhigan in dalka ka gudbay Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee la ansixiyay 2012-kii.
Ansixinta waxaa oggolaaday 222 xildhibaan: 186 ka tirsan Golaha Shacabka iyo 36 ka tirsan Aqalka Sare. Fadhiga ansixinta waxaa ka maqnaa inta badan xildhibaannada ku metelayay Jubbaland iyo Puntland, marka laga reebo hal xildhibaan oo deegaan-doorashadiisu tahay Puntland.
Geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka ayaa muddo soo jiitamayay, isaga oo marxalad walba wajahaya khilaaf siyaasadeed. Xilligan, waxaa si adag uga horyimid xildhibaano ka tirsan labada aqal, madax hore, iyo hoggaanka maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo dhaliilay habraaca iyo hannaanka loo maray ansixinta.
30 xildhibaan oo ka mid ah 49-ka xubnood ee Puntland ku metela Baarlamaanka Federaalka ayaa hore ugu dhawaaqay inay qaadaceen geeddi-socodka wax-ka-beddelka. Sidoo kale, xildhibaannada Labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa soo saaray mowqif ay ku diidan yihiin ansixinta, iyagoo ku baaqay in dib-u-eegista lagu saleeyo wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Nuqulka maanta la ansixiyay ayaa noqonaya kan rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qodob ka mid ah isbeddellada la meel mariyay ayaa dhigaya in muddada xiledka Madaxweynaha federaalka ay noqoto shan sano
Arrin ay mucaaradka ku sheegeen in Madaxweynaha hadda talada haya, Hassan Sheikh Mohamud, doonayo inuu kaga dhigan rabo muddo kororsi.

6 Comments
Pingback: hello world
Pingback: metoprolol beta blocker
Pingback: tetracycline 500 mg capsule goodrx
Pingback: allopurinol 300 mg for gout
Pingback: buy vibramycin 100mg
Pingback: metoprolol 50 mg pill