Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ayaa xalay gudaha u galay hotel ku yaalla gudaha garoonka Muqdisho oo ay deganyihiin xildhibaano baarlamaanka federaalka ku metela deeganada Puntland. Ciidamada ay soo xireen la-taliye ka tirsan maamulka Puntland Axmed Cabdi Hurre, sida ay xaqiijiyeen booliska.
Maamulka Puntland ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “weerar” iyo “afduub siyaasadeed” oo lagu beegsaday mas’uuliyiin ka soo jeeda deegaankooda, iyagoo mas’uuliyadda dusha ka saaray Dowladda Federaalka Soomaaliya. Warsaxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen ayay si kulul ugu cambaareeyeen howlgalka.
30 xildhibaan oo ka mid ah 49-ka xubnood ee Puntland ku metela Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhawaaqay inay qaadaceen geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.
Sidoo kale, xildhibaannada Labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa soo saaray mowqif ay ku diidan yihiin wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka, iyagoo ku baaqay in dib-u-eegista lagu saleeyo wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Waxay sidoo kale cambaareeyeen tallaabooyin ay sheegeen in lagu xanibay xildhibaano ka soo jeeda Puntland oo laga hor istaagay inay ka safraan Muqdisho — arrin ay ku tilmaameen mid sii hurin karta xiisadda siyaasadeed ee taagan.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta loo balansan yahay ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah

1 Comment
Pingback: finasteride medication