Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo wareysi siiyay warbaahinta France 24 ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahaysa xaalad adag, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halka muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheikh uu isna gabaabsi yahay.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in aan weli la garanayn jihada ay xaaladdu ku socoto. “Xaaladda hadda jirta, cidna ma garanayso halka ay ku socoto,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya ayaa nasiib-darro ku tilmaamay dagaalkii bishii December 2024 ku dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland ee ka dhacay xadka Kenya.
“Waxaana nasiib-darro ah in uu halkaas ka billowday dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Jubbaland,” ayuu yiri William Ruto, isaga oo xusay in arrintaasi ay sii xumeysay xiisadihii horey u jiray.
Ruto ayaa sheegay in Kenya ay isku dayday dhex-dhexaadin u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, balse aan weli lagu guuleysan dadaalladaas.
“Welina waan wadnaa dadaalladaas, annaga oo kaashanayna Itoobiya iyo Jabuuti. Waxaan sii wadeynaa taageerada dowladda si xal loo helo,” ayuu yiri.
Hadalka William Ruto ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland, iyadoo uu gabaabsi yahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
