Xilli doorasheed kasta, waxaa dhegaha dadka Soomaaliyeed ku soo laalaabta maqalka taariikhda maalintii la doortay nidaamka markaas talada haya.
Aan dib kuu xasuusiyo, teeramkii madaxweyne Farmaajo, waxaa inta badan la maqli jiray dhammaadkii muddoo xileedkiisa 8-da February oo ku beegan maalintii la doortay 2017, maantase waxay taagantahay 15-ka May oo ku aaddan maalintii dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, muddo xileedkiisan labaad.
Siyaasiyiinta mucaaradka, waxay maalintan ugu asteysantahay dhammaadka teeramka madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo badi aaminsan in 15-ka May kadib ay iyaga iyo madaxweynaha yihiin dad siman
“Xasan Sheekh 15-ka May mandate-kiisa maxaa ku dhacay? WUU DHAMMAADAY! Annaga iyo asaga isku mid ayaan nahay.” ayuu Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Dib u doorashada madaxweyne Xasan ka hor, 15-ka May, waxay dadka Soomaaliyeed ugu asteysnayd maalin dhalinyarada u gaar ah, laguna xasuusto halgankii Ururkii SYL, haddase waxay u muuqataa in marka ay dhegahaagu maqlaan 15-ka May ay kugu soo dhacdo taariikh siyaasadeed oo u gaar ah madaxweyne Xasan.
“16-ka May, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu noo noqonayaa Madaxweynihii Hore ee dalka, oo ah muwaadin asagoon sharciyad heysan dhex deggan Villa Somalia.” RW hore Xasan Cali Kheyre
Adiga maxay kugu asteysantahay 15-ka May?
