Waxaa Jimcihii soo geba-gaboobay, islamarkaana natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii u dhexeeyey dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ee muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa lagu doonayay in lagu gaaro is-afgarad ku saabsan khilaafka doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Mustaqbalka waxaa matalayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed iyo Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni, halka dhinaca dowladda ay matalayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Salax Axmed Jama.
Kulamada ayaa ka dhacay gudaha Xalane, waxaana garwadeen ka ahaa safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.
Dowladda ayaa ku adkeystay in muddo xileedkeedu aanu dhammaan, islamarkaana nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay waddo uu yahay habka keliya ee ay doonayso in dalka lagu hago.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee matalayey Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku dooday in marka hore la aqbalo in muddo xileedka Dowladda Federaalka uu dhammaaday, kadibna laga wada hadlo hannaan doorasho oo ay dhinacyadu isku waafaqsan yihiin.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday muddo xileedkiisu, isla markaana uu mas’uul ka yahay sii xoogeysiga kala fogaanshaha siyaasadeed ee dalka.
Dalalka taageera Soomaaliya ayaa muujiyey walaac xooggan oo ku ku aaddan mustaqbalka taageerada dhaqaale ee Soomaaliya haddii khilaafka siyaasadeed uu sii xoogeysto.
Hadaba, mala gaari doontaa is-afgarad siyaasadeed oo looga gudbo muranka doorashooyinka, mise dalka wuxuu wajihi doonaa marxalad cusub oo hubanti la’aan siyaasadeed iyo kala qeybsanaan sii xoogeysata?
