Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa war kasoo saartay kulan ay Villa Soomaaliya kula yeelatay Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka iyo muranka muddo-xileedka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal ay ku baahisay barteeda X, ayay safiiraddu ku sheegtay in Xasan Sheekh uu la wadaagay aragtidiisa ku saabsan kulamadii siyaasadeed ee dhawaan dhacay. Waxay sidoo kale xustay inay maalin ka hor la kulantay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kana dhageysatay aragtidiisa ku aaddan khilaafka siyaasadeed iyo wada-hadallada socda.
Danjiraha Midowga Yurub ayaa sheegtay in labada dhinacba ay weli u furan yihiin wada-hadal, iyadoo carrabka ku adkeysay in go’aanka xalinta siyaasadeed uu gacanta ugu jiro Soomaalida laftooda. Waxay intaas ku dartay in Midowga Yurub uu rajeynayo heshiis loo dhan yahay oo dimuqraadi ah.
Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay iskaashi, xiriir istiraatiiji ah, dimuqraadiyadda iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo aan wax xus ah laga sameyn khilaafka siyaasadeed ee taagan.
Farqiga u dhexeeya labada war-saxaafadeed ayaa si weyn loo hadal hayaa, maadaama dhinaca Midowga Yurub uu si cad diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed iyo wada-hadallada xayiran, halka Villa Soomaaliya ay xoogga saartay iskaashi iyo xiriir diblomaasiyadeed.
Arrintan ayaa muujineysa kala duwanaanta fariimaha ay labada dhinac gudbinayaan, gaar ahaan xilli ay sii xoogeysanayaan cadaadisyada siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo sharciyadda muddo-xileedka dowladda.
Sidoo kale, falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa si gaar ah u hadal haya in Safiirka Midowga Yurub aysan qoraalkeeda ku isticmaalin erayga “Madaxweyne” marka ay xusayso Xasan Sheekh Maxamuud — arrin dhalisay doodo iyo fasiraado kala duwan oo la xiriira muranka sharciyeed ee muddo-xileedka dowladda.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay taagan tahay dood adag oo ku saabsan muddo-xileedka dowladda Federaalka Soomaaliya. Sida uu dhigayo Dastuurka Kumeelgaarka ah, gaar ahaan qodobbada 60-aad iyo 91-aad, muddo-xileedka afarta sano ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ekaa 15-ka May 2026, halka uu weli taagan yahay muran xooggan oo ku saabsan muddo-kororsi iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
