Doorashooyin, khilaaf siyaasadeed, mudaharaadyo iyo dacaayado siyaasadeed… Soomaaliya mar kale waxay gashay xilli siyaasadda ay kacsantahay bannaanka iyo baraha bulshadaba.
Laakiin, waxaa si gaar ah walaac u dhalinaya hal fariin oo dowladda Federaalka si joogto ah u riixeyso: in mucaaradku isu diyaarinayo dagaal iyo qalalaase hubeysan.
“Maalmahan waxaan maqlaynay handadaad iyo cagajugleyn ka dhan ah deggenaanshaha iyo xasilloonida amni ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.” _ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre
Su’aashu waxay tahay: mucaaradku runtii ma isu diyaarinayaan dagaal?
Ilaa hadda, ma jirto bayaan rasmi ah oo kasoo baxay mucaaradka oo ku baaqaya dagaal hubeysan. Sidoo kale, lama arkin dhaqdhaqaaqyo ciidan ama abaabul hubeysan oo si cad loo xaqiijiyay.
Waxa ay mucaaradku ku baaqayeen toddobaadyadii lasoo dhaafay waxay ahaayeen dibadbaxyo iyo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Federaalka.
Toddobaadkii hore, dibadbax nabadeed oo ay mucaaradku ku baaqeen ayaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhacdadaas kadib, waxaa soo batay hadallada ku saabsan “amni darro”, “qalalaase” iyo “cid laga yeelayaa majirto”
“Shacabka Muqdishoow ha usoo bixina nimankaas, ayaga ma’ahan Hiil shacb ee waa halaag shacab”. ayuu yiri Axmed Macallim Fiqi
Marka siyaasadda Soomaaliya la eego, sheegashada ah in mucaaradku dagaal wadaan waxaa laga fahmi karaa dhowr arrimood..
Kow.. in mucaaradka loo sawiro khatar amni oo shacabka cabsi gelisa iyo
Laba.. in la sharciyeeyo tallaabooyin adag oo amni iyo xakameyn ah.
Dhankooda, mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay si ula kac ah u abuureyso cabsi iyo dacaayad siyaasadeed, si loo wiiqo taageerada dibadbaxyada iyo cadaadiska siyaasadeed ee jira.
“Dad Soomaaliyeed oo bannaanbaxaya, oo cabbiraya dareenkooda, isla markaana aysan hoggaaminayn madaxda mucaaradka, in rasaas lagu furo waxay tilmaamaysaa dhaqanka dowladda,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Iyadoo wada-hadalladii siyaasadeed ay fashilmeen, mucaaradkuna ay qorsheynayaan dibadbaxyo horleh, waxaa sii xoogeysanaya wararka marin habaabinta, dacaayadaha iyo jiheynta siyaasadeed.
