Kumannaan Muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa gaaraya dhulka barakeysan ee Sacuudi Carabiya, si ay u gutaan waajibaadka Xajka ee sannadkan 2026.
Xujeyda Soomaaliyeed: 12,000+
Soomaaliya, tirada xujeyda sanadkan ayaa gaareysa in ka badan 12 kun oo qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.
Tiradan ayaa muujineysa kororka joogtada ah ee xujeyda Soomaaliyeed sanadihii ugu dambeeyay.
Ku dhowaad 2 milyan oo xujey ah ayaa la filayaa
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ku dhowaad laba milyan oo Muslimiin ah laga filayo Xajka sannadkan, iyadoo tirada xujeydu ay sii kordheyso sanadba sanadka ka dambeeya.
Ilaa hadda, in ka badan hal milyan iyo bar xujey ah ayaa durba gaaray goobaha barakeysan ee Makka iyo Madiina.
Sannadkii 2020, xajka ayaa si weyn u saameeyay safmarkii COVID-19. tirada xujeyda waxay gaartay qiyaastii 10 kun oo qof oo keliya—taas oo ahayd tiradii ugu hooseysay muddo tobannaan sano ah.
Laakiin sanadihii xigay, tiradu waxay dib ugu soo laabatay heerarkii caadiga ahaa.
Sida laga soo xigtay tirakoobyada rasmiga ah ee Sacuudiga, sannadkii 2024 waxaa la diiwaangeliyay in ka badan 1.8 milyan oo xujey ah, halka sanadkii 2025 ay tiradu gaartay in ka badan 1.6 milyan. Sannadkan 2026-na, waxaa la filayaa in tiradu mar kale sare u kacdo.
Amni adag & Tiknoolajiyad Casri ah
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay inay sare u qaadeen tallaabooyinka amniga iyo nidaamyada lagu xaqiijinayo badqabka xujeyda, si loo maareeyo saxmadda weyn ee ka jirta goobaha barakeysan.
Waxay sidoo kale ballan-qaadeen isticmaalka tiknoolajiyad casri ah oo lagu fududeynayo dhaq-dhaqaaqa malaayiinta qof ee gudanaya waajibaadka Xajka.
Xajka — Rukniga 5-aad ee Islaamka
Xajka waa rukniga shanaad ee Islaamka, waajibna ku ah Muslim kasta oo awood u leh inuu hal mar noloshiisa guto.
Maalmaha soo socda ayaa si rasmi ah loo guda geli doonaa acmaasha ugu muhiimsan ee Xajka, iyadoo maalinta ku beegan 8-da dulxaj tahay maalinta ugu horeysa ee Xajka lagana bilaabayo Minna.
