Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka, ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Jaamac ayaa helay 142 cod, halka musharraxii la tartamayay, Cabdulqaadir Cumar Macallin, oo loo yaqaan Daada, uu helay 30 cod.
Doorashadan ayaa soo dhammaatay kadib toddobaadyo uu socday loollan siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan cidda noqonaysa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.
Saadaat Maxamed Caliyoow, oo kamid ahaa musharraxiinta, ayaa maalmo ka hor ka haray tartanka, isagoo sheegay inuu taageerayo Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Sidoo kale, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa isna kamid ahaa magacyadii hore uga dhex muuqday tartanka.
Laakiin marka laga eego sida uu tartanku u dhacay iyo natiijada maanta…doorashadu waxay xoojinaysaa aragtida ah in Villa Somalia ay si weyn uga shaqeysay sidii Cabdulqaadir Maxamed Nuur loogu heli lahaa kursiga guddoomiyaha.
Warar hore ayaa sheegayay in Madaxtooyadu si gaar ah u taageereysay musharraxnimadiisa, iyadoo sidoo kale la sheegay in dadaallo siyaasadeed lagu sameeyay sidii musharraxiinta kale looga dhaadhicin lahaa inay tartanka ka haraan.
Arrintan waxay doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka dhigaysaa doorashadii saddexaad ee heer federaal iyo dowlad-goboleed oo Madaxtooyada lagu eedeeyay inay si muuqata u faragelisay.
Doorashadii Koonfur Galbeed, Villa Somalia waxay si cad u taageertay Aadan Madoobe, oo markii dambe noqday madaxweynaha maamulkaas. Doorashadii Galmudug-na, Dowladda Federaalka ayaa door muuqda ka qaadatay dadaalladii lagu xallinayay ismariwaaga siyaasadeed ee ka dhashay tartanka hoggaanka maamulka.
Labada doorasho waxay wajahayeen dhaleeceyn uga timid mucaaradka iyo qaar kamid ah dhinacyada siyaasadda, kuwaas oo ku doodayay in dowladda dhexe ay faragelin ku sameyneyso doorashooyinka dowlad-goboleedyada.
Dowladdu, dhankeeda, waxay ku adkeysanaysay in tallaabooyinkaas ay qayb ka yihiin geeddi-socodka siyaasadeed iyo dimoqraadiyeynta dalka. Hadda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah ula wareegaya hoggaanka Golaha Shacabka.
