Isniinta, galinkii dambe, waxaa dibadbax ka dhacay agagaarka hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dibadbaxayaasha ayaa muujinayay sida ay uga soo horjeedaan dowladda Federaalka iyo tallaabooyinka la xiriira barakicinta shacabka.
“Waqtigooda wuu dhammaaday, yeeli mayno, nala ma caburin karo, mana aqbaleyno,” ayay ku dhawaaqayeen qaar kamid ah dibadbaxayaashii ka qeybgalay mudaharaadka ka dhacay Muqdisho.
Qaar kamid ah dibadbaxayaasha ayaa sitay sawirrada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo qaarkood la gubay, halka kuwo kalena ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dowladda.
Waxaa muddooyinkii dambe sii kordhayay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda Federaalka, kuwaas oo ay hormuud ka yihiin siyaasiyiinta mucaaradka
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, ayaa dhankiisa sheegay in la soo qaban doono cid kasta oo ka dambeysay abaabulka dibadbaxyada.
Wuxuu xusay in dadkaasi loo hayo eedo la xiriira abaabulka banaanbaxa, islamarkaana aan looga hari doonin.
“Adiga waaran ku soo dalbanaynaa, gacantana kugu soo qabaneynaa iyadoo waaran laguu haysto. Ciddii soo abaabusha arrimahaas iyadaa masuuliyaddeeda qaadeysa,” ayuu yiri Mahdi Cumar Muumin.
Horey, mucaaradka dowladda ayaa eedeymo culus ugu jeediyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, iyaga oo sheegay inuu door muuqda ku leeyahay xarigga dhalinyaro lagu sheegay inay cabbirayeen aragtiyahooda siyaasadeed.
“Golaha Mustaqbalka Soomaliyeed waxay go’aansadeen shaqana ka wadaan inaan sameyno liis dhammaystiran oo dadka Soomaaliyeed iyo dunidaba lala wadaagi doono saraakiisha dhalinyarada Soomaaliyeed beegsata,”ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmihii u dambeeyay ay jireen baaqyo iyo abaabulo dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo muranka siyaasadeed uu sii xoogeysanayo.
Golaha Mustaqbalka ayaa iyana ku dhawaaqay bannaanbax 4ta Juun.
