Magaalada Baydhabo waxaa arrortii saaka ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamo taageersan Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen” iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in gudaha magaalada laga maqlayay rasaas iyo madaafiic culus, taas oo cabsi iyo khalkhal ku abuurtay shacabka.
Dagaalka oo kusoo beegmay dhaarinta Baarlamaanka cusub
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli maanta la qorsheeyay in la dhaariyo xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu soo doortay 10-kii May.
Sheegashooyin is khilaafsan oo kasoo baxay dhinacyada
Afhayeenkii hore ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta maamulkaasi ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo.
Hase yeeshee, xogaha la helayo iyo xaqiijinta hordhaca ah ayaa muujinaya in sheegashadaasi aysan ahayn mid xaqiiqo ah; waxaana arrintaas ka war bixiyay Taliyaha booliska Koonfur Galbeed Saadaqa Doodishe, isaga yiri, “Baydhabo waxaa weerar ku soo qaaday ciidamo falaago ah”
30 Maarso 2026: Laftagareen ayaa ka baxay Baydhaba
Xiisaddan ayaa daba socota dhacdooyinkii 30-kii Maarso 2026, maalintaas oo Cabdicasiis Laftagareen laga wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo, isagoo kadib u ambabaxayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Khilaaf amni mise loollan siyaasadeed?
Su’aasha hadda taagan ayaa ah: dagaalka Baydhabo ma yahay khilaaf amni oo kooban, mise waa loollan siyaasadeed oo si toos ah ula xiriira dhismaha Golaha wakiilada cusub iyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed?
Sidoo kale, sidee ayay xiisaddani u saameyn doontaa geeddi-socodka doorashooyinka iyo xasilloonida maamulka?
