Tartanka Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ayaa si rasmi ah u billowday, iyadoo indhaha malaayiin taageerayaal kubadda cagta ah ay ku jeedaan garoomada ku kala yaalla Mareykanka, Canada iyo Mexico oo si wadajir ah u martigelinaya tartanka.
Kulankii furitaanka, xulka Mexico ayaa guul ku billowday ololihiisa kadib markii uu 2-0 kaga adkaaday Koonfur Afrika. Sidoo kale, Kuuriyada Koonfureed ayaa 2-1 ku garaacday Czechia, iyadoo labada xul ay hoggaanka u qabteen Group A.
Maalintii labaad ee tartanka, Canada ayaa barbar dhac 1-1 ah la gashay Bosnia iyo Herzegovina, halka Mareykanka uu 4-1 ku garaacay Paraguay. Guushaas ayaa noqotay mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee Mareykanku ka gaaro ciyaaraha Koobka Adduunka.
Tartanka waxaa sidoo kale hareeyay xamaasad taageereyaal, bandhigyo furitaan iyo munaasabado kala duwan oo ka dhacay magaalooyinka martigelinaya ciyaaraha.
Koobkan Adduunka ayaa ah kii ugu horreeyay ee ay ka qeyb galaan 48 xul qaran, kuwaas oo ku tartami doona 104 kulan illaa laga gaarayo ciyaarta kama dambaysta ah ee la qorsheeyay inay dhacdo 19-ka Luulyo 2026.
Maanta iyo berri, taageerayaashu waxay indhaha ku wada hayaan kulamo kale oo xiiso badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Brazil iyo Morocco, Qatar iyo Switzerland, Haiti iyo Scotland, iyo Australia oo wajahaysa Turkiga, iyadoo tartanku sii galayo marxaladihiisii ugu horreeyay ee xamaasadda lahaa.
