Sacdiyo Macallin Cali, oo loo yaqaan “Sacdiyo Bajaaj”, ayaa muddo ku dhow laba bilood u xiran dowladda Soomaaliya. Waxaa la markii labaad la horgeeyn doonaa Maxkamadda Gobolka Banaadir 21-ka bishan.
1-dii bishan, Sacdiyo ayaa la horgeeyay maxkamadda, hase yeeshee garsooruhu wuxuu dib ugu celiyay kiiska Xeer Ilaalinta, isagoo sheegay in eedeymaha la soo gudbiyay aysan ku filneyn in dacwadda lagu sii ambaqaado, loona baahan yahay caddeymo dheeraad ah.
Garsoorihii kiiska oo la beddelay
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in garsoorihii gacanta ku hayay kiiska la beddelay, kadib markii uu dib ugu celiyay kiiska ay soo gudbisay Xeer Ilaalinta. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo iyo dood ku saabsan habraaca kiiska iyo madaxbannaanida garsoorka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Sacdiyo ay laba bilood ku jirto xabsi iyadoo aan weli si rasmi ah dacwad loogu soo oogin. Wuxuu arrintaasi ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah xuquuqdeeda xorriyadda, caddaaladda iyo xorriyadda hadalka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladda hordhigay laba su’aalood oo waaweyn:
Maxaa keenay in la beddelo garsoorihii diiday kiiska Xeer Ilaalinta? Iyo sababta Sacdiyo ay weli xabsiga ugu jirto iyadoo aan dacwad rasmi ah lagu soo oogin?
Amnesty: Xarig sharci darro ah
Ururka Amnesty International ayaa sheegay in Sacdiyo si sharci darro ah u xirantahay tan iyo maalintii la qabtay.
Ururku ayaa sheegay in kiiskeedu uu ka tarjumayo cadaadis sii kordhaya oo lagu hayo dadka u dooda xuquuqda aadanaha, suxufiyiinta iyo dadka aragtidooda ku cabbira warbaahinta iyo baraha bulshada. Amnesty waxay ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo Sacdiyo.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa horey u sheegay inuu hayo gal-dacwadeedka Sacdiyo Macallin Cali Xasan. Xeer Ilaalinta ayaa ku eedeysay arrimo la xiriira sumcad dil iyo kicin bulsho.
Kiiska Sacdiyo Bajaaj ayaa noqday mid si weyn loogu falanqeeyo xaaladda xorriyadda hadalka, madaxbannaanida garsoorka iyo xuquuqda muwaadiniinta ee Soomaaliya.
