Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa tallaabo cusub qaaday kaddib markii uu codsi rasmi ah u gudbiyey dalka Masar isagoo doonaya inuu garsooro ka noqdo horyaalka heerka koowaad ee dalkaasi.
Arrintan waxaa shaaca ka qaaday Cisaam Cabdulfataax oo ah guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha Masar kaas oo sheegay in Cumar Cartan uu la soo xiriiray isla markaana uu si rasmi ah u muujiyey rabitaankiisa ah inuu Masar dego oo uu ka shaqeeyo garsoorka horyaalka dalkaasi
Guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha Masar ayaa sidoo kale sheegay in ay soo dhoweynayaan codsiga garsooraha Soomaaliyeed isagoo ammaanay heerkiisa garsoornimo isla markaana ku tilmaamay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan Afrika muddooyinkii ugu dambeeyey.
Hase yeeshee arrintu weli ma dhammaan sababtoo ah codsiga Cumar Cartan waxaa loo gudbin doonaa guddiga maamulka Xiriirka Kubadda Cagta Masar kaas oo leh go’aanka kama dambaysta ah Haddii la oggolaado Cumar Cartan wuxuu fursad u heli karaa inuu dhex-dhexaadiyo kulamada horyaalka Masar oo ay ku loolamaan kooxaha ugu adag ee ka dhisan qaarada Africa
Cumar Cartan waa garsoore Soomaaliyeed oo sumcad ka dhex sameystay garoomada caalamiga ah isaga oo helay fursado uu ku maamulo kulamo waa weyn, bishii August ee sanadkaan garsoore cartan ayaa noqday garsoorihii ugu horeeyey ee kasoo jeeda Africa ee dhexdhaxaadiya kulan ka tirsan tartamada Uefa ee Yurub waxa uuna ahaa garsoorihii kulankii PSG iyo Aston Villa ee Finalkii Uefa Super Cup
Garsoore Cartan markii loo diiday inuu galo Mareykanka si uu qeyb kaga noqdo dhexdhaxaadiyaashii koobka Adduunka ee sanadkaan dhacdadaasi kadib Cartan waxa uu helay taageero iyo garab istaag weyn oo dunida looga muujiyey markaana haddii codsigiisa la oggolaado Cumar Cartan wuxuu heli karaa fursad cusub oo uu ku ballaariyo waayo-aragnimadiisa garsoornimo isla markaana uu magaca Soomaaliya ku sii matalo garoomada caalamiga ah.
