Mareykanka wuxuu diray mid ka mid ah farriimihii ugu cadcadaa ee uu muddooyinkii dambe u gudbiyo Soomaaliya. Farriintaas ma ahayn oo keliya mid ku saabsan dagaalka Al-Shabaab. Waxay ahayd digniin ku saabsan siyaasadda gudaha ee dalka.
Kadib booqashadiisii Muqdisho iyo kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika, Jeneraal Dagvin.
Anderson, ayaa sheegay in Mareykanku sii wadi doono taageerada Soomaaliya haddii dowladda ay sii xoojiso hoggaaminta amniga iyo dowlad-dhiska. Laakiin wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ismariwaaga siyaasadeed iyo khilaafaadka gudaha ay sii socdaan, inay aad ugu adkaan karto Mareykanka inuu sii wado heerka uu maanta ku lug leeyahay Soomaaliya.
Hadalkaasi wuxuu calaamad u yahay isbeddel muhiim ah. Markii hore, Washington waxay si weyn diiradda u saari jirtay taageerada amniga. Haddase, Mareykanka ayaa si bareer ah u sheegaya in xasilloonida siyaasadda ay qayb ka tahay amniga Soomaaliya.
Anderson ma uusan shaacin in Mareykanku joojinayo taageerada militari, mana uusan sheegin waqti cayiman oo isbeddel lagu sameynayo. Laakiin wuxuu muujiyay in mustaqbalka iskaashiga amniga uusan ku xirnaan doonin oo keliya guulaha laga gaaro dagaalka Al-Shabaab. Balse uu sidoo kale ku xirnaan doono sida hoggaanka Soomaaliya u maareeyo khilaafaadka siyaasadeed
Farriintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Soomaaliya ay wajahdo caqabado waaweyn oo la xiriira maalgelinta AUSSOM, diyaar-garowga ciidamada Soomaaliyeed iyo muranka siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka. Laakiin wareysiga Jeneraal Anderson wuxuu soo afjaray dood kale oo muddo socotay…
Tan la xiriirta Somaliland, markii la weydiiyay booqashooyinkii isdaba joogga ahaa ee saraakiisha AFRICOM ay ku tageen Hargeysa iyo Berbera, Anderson wuxuu sheegay in uusan jirin qorshe Mareykanku uga sameysanayo saldhig ciidan waqooyiga Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale ku celiyay mowqifka rasmiga ah ee Washington. In Mareykanku uu weli taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Hadalkaasi wuxuu meesha ka saaraya wararkii la xiriiray in booqashooyinka Berbera ay hordhac u ahaayeen saldhig ciidan oo Mareykanku ka sameysto halkaas. Marka la isku geeyo labada farriimood, waxaa muuqata in Mareykanku uu maanta laba arrimood si cad u sheegayso.
Midda koowaad: Ma jiro qorshe saldhig ciidan oo Mareykanku ka sameysanayo Somaliland; halka, Midda labaadna: Taageerada Mareykanka ee Soomaaliya waxay sii jiri doontaa oo keliya haddii ay la socoto xasillooni siyaasadeed, dowlad-wanaag iyo hoggaan mideeya dalka.
Labadaas ayaa ah farriimihii ugu muhiimsaneyd ee ka soo baxay booqashadii Taliyaha AFRICOM ee Muqdisho.
