Shirkii Kampala wuxuu ku dhammaaday warmurtiyeed rasmi ah, balse waxaa jiray qodob dib looga saaray. Qoraalkii hore ee warmurtiyeedka ayaa xambaarsanaa qodob si toos ah u taabanayay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Qodobkaasi ayay madaxda dalalka ciidamda ku biiriya AUUSOM ugu baaqayay in madaxweyne Xasan Sheekh sida ugu dhaqsiyaha bada u qabto wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, oo ay ka qeyb galaan dowlad-goboleedyada, mucaaradka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda.
Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay in dalalka ciidamada ku leh AUSSOM ay noqdaan goobjoogayaal ama kormeerayaal geeddi-socodkaas. Hase yeeshee, qodobkaasi kama muuqan nuqulkii ugu dambeeyay ee warmurtiyeedka… sababtoo ah, Xasan Sheikh ayaa si adag uga horyimid, isagoo ku dooday in qodobkaas yahay mid khuseya arrimaha gudaha Somalia
Hadaba, maxay ka dhigan tahay in qodobkaas markii horeba la soo jeediyay?
Qodobkan wuxuu yimid kadib markii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay warqad u direen madaxda dalalka ciidamada ku leh howlgalka AUSSOM.
Warqaddaasi waxay ku codsanayeen in ismariwaaga siyaasadeed ee Soomaaliya laga dhigo qayb ka mid ah ajandaha shirka, iyadoo lagu dooday in aan kala-guurka amniga lagu guuleysan karin haddii aan marka hore xal loo helin khilaafka siyaasadeed.
Wararku waxay tilmaamayaan in codsigaasi uu sababay in arrimaha siyaasadda Soomaaliya laga doodo kulamadii albaabadu u xirnaayeen.
Falanqeeyeyaasha siyaasaddu waxay qabaan in waxa ugu muhiimsan uusan aha waxa lagu qoro warmurtiyeedka, balse yahay waxa laga dooday ka hor inta aan la soo saarin. Sidaas darteed mucaaradku ayaa u muuqda inay ku guuleysteen in cabashooyinkooda ay gaareen miiska hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku leh AUSSOM.
