Ugu yaraan 12 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan ilmo yar ayaa ku dhintay laba shil oo kala duwan oo doonyo ay saarnaayeen ay ku qalibmeen meel u dhow jasiiradaha Lesbos iyo Samos ee dalka Giriigga.
Shilalkan ayaa dhacay xilli ay ciidamada ilaalada xeebaha Giriiggu daba socdeen doonyaha, waxaana sidoo kale jira dad badbaaday iyo dad loo xiray tuhun la xiriira tahriibinta dadka.
Wararka ka imanaya dalka Giriigga ayaa sheegaya in lix qof ay ku dhinteen shil ka dhacay meel u dhow jasiiradda Samos, kaddib markii doon dheereysa oo muhaajiriin ka soo qaaday Turkiga ay si kedis ah u leexatay, dabadeedna ay rogmatay.
Afar iyo toban qof ayaa ka badbaaday shilkaas, halka hawlgallo lagu baadigoobayo dad kale ay socdeen Wararka la helay ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah dadkii badbaaday ay u dhasheen Suuriya iyo Falastiin, halka muwaadiniin u dhashay Iiraan iyo Turkiga loo xiray tuhun la xiriira tahriibinta dadka.
Shilka labaad ayaa ka dhacay agagaarka Agrilia ee jasiiradda Lesbos, halkaas oo doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay isku dhaceen doon ay leedahay Ilaalada Xeebaha Giriigga, dabadeedna ay rogmatay.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale xiray nin 37 jir ah oo u dhashay Turkiga, kaas oo looga shakisan yahay inuu ahaa wadihii doonta iyo qofkii tahriibinayey muhaajiriinta.
Wasiirka Maraakiibta Giriigga ayaa sheegay in baaritaanno lagu hayo sababta saxda ah ee shilka Lesbos. Caddeymaha hordhaca ah ayaa muujinaya in doonta muhaajiriintu ay sankeeda ku dhacday dhinaca bidix ee doonta ilaalada xeebaha.
Lix qof ayaa ku dhintay shilkaas, halka siddeed qof oo kale la badbaadiyey oo loola cararay isbitaalka.
Dowladda Giriigga ayaa ku dhawaaqday inay mowqif adag ka qaadanayso dadka tahriibiya muhaajiriinta iyadoo dhacdooyinkan ay mar kale muujinayaan khatarta ay wajahayaan dadka isku daya inay Yurub ku gaaraan safarro badeed oo halis ah.
Labada shil ayaa la xaqiijiyey inay sababeen dhimashada 12 qof, halka 22 qof ay ka badbaadeen. Waxaana weli la sugayaa in la ogaado natiijada baaritaannada iyo in ay jiraan dad kale oo la la’yahay
