Soomaaliya waxay tallaabo u qaaday raadinta shidaalkeeda, iyadoo ceelka Curad-1 uu ka socdo qodis ka dhacaysa biyaha Badweynta Hindiya. Laakiin maxaa laga filayaa ceelkan, goormase la ogaan karaa inuu Soomaaliya u horseedi karo wax-soo-saar shidaal?
Curad-1 waxaa qodaya markabka Turkiga ee Çağrı Bey, meel qiyaastii 372 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya. Qorshaha hawlgalku waa in ceelku gaaro qoto-dheer dhan 7,500 oo mitir, marka la isku daro biyaha badda iyo dhulka hoostiisa.
Qodistan ayaa daba socota sahanno uu markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis ka sameeyay biyaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu ururiyay xog juqraafiyeed lagu qiimeynayo suurtagalnimada helitaanka shidaal
Qodista ceelku waa talaabada koowaad. Ceelka Curad-1 waxaa laga sugayaa inuu bixiyo jawaab farsamo oo muhiim ah, sida, ma jiraa shidaal ama gaas, mana noqon karaa keyd ganacsi ahaan faa’iido leh?
Waxaa jira saddex arrimood oo muhiim ah. Marka koowaad, in qodistu xaqiijiso jiritaanka shidaal ama gaas. Marka labaad, in la ogaado cabbirka iyo tayada keydka la helo. Marka saddexaadna, in qiimeyn lagu sameeyo kharashka soo saarista iyo in mashruucu dhaqaale ahaan faa’iido yeelan karo.
Sidaas darteed, helitaanka raad shidaal iyo helitaanka keyd ganacsi ahaan loo soo saari karo waa laba arrimood oo kala duwan. Ilaa hadda, lama xaqiijin in Curad-1 laga helay keyd shidaal oo buuxiya shuruudahaas.
Haddii natiijada Curad-1 ay noqoto mid wanaagsan, waxaa xigi doona qiimeyn dheeraad ah oo lagu ogaanayo baaxadda keydka iyo suurtagalnimada soo-saarkiisa. Soomaaliya waxay rajaynaysaa in mashruucani furo fursado dhaqaale oo cusub, balse jawaabta kama dambaysta ah waxaa bixin doona natiijada qodista iyo baaritaannada farsamo ee xiga.
