Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abuu Al-Ghayt, ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Gobolka Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray khatarta galaangalka Israa’iil ee gobolka.
Labada mas’uul waxay si wadajir ah u cambaareeyeen wararka sheegaya in maamulka Somaliland qorsheynayo in waxa lagu sheegay Safaarad ka furto magaalada Qudus ee la haysto.
Waxay tallaabadaas ku tilmaameen mid sharciga baalmarsan oo meel ka dhac ku ah dareenka shucuubta Carabta iyo Islaamka, iyagoo ku baaqay in si wadajir ah looga hortago.
Jaamacadda Carabta waxay mar kale xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee ku aaddan madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo ballanqaadday inay garab taagan tahay dowladda federaalka.
