Warbixin cusub ayaa kasoo baxday ceelka shidaalka Curad-1, oo hadda kamid ah mashaariicda ugu waaweyn ee sahminta shidaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in howlaha qodista ay qaadan karaan muddo u dhexeysa lix illaa sagaal bilood, taas oo ka badan qiyaasihii hore loo saadaaliyay.
Wuxuu sheegay in dhammaadka muddadaas la filayo natiijooyin muhiim ah oo la xiriira suurtagalnimada in Soomaaliya laga helo shidaal ganacsi ahaan faa’iido leh.
Janaayo–Febraayo 2027: Natiijooyin hordhac ah?
Erdoğan ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xaaladaha cimilada iyo hawlgallada farsamo ay sida qorshuhu yahay ku socdaan, natiijooyinka hordhaca ah la heli karo inta u dhexeysa Janaayo iyo Febraayo 2027.
Waxaa uu yiri: “Haddii xaaladaha cimilada iyo hawadu saamaxaan, waxaan filaynaa in howlaha qodista lagu dhammeeyo muddo u dhexeysa lix ilaa sagaal bilood…”
“Waxaan rajeyneynaa inaan shacabka Soomaaliyeed gaarsiino war wanaagsan oo ay muddo dheer sugayeen.”
Mashruucan waxaa dhinaca Soomaaliya kor-joogteynaya Hay’ada Batroolka Sooomaaliya iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, halka dhinaca farsamada iyo maalgelintaba ay hoggaamineyso Turkish Petroleum Corporation.
10-kii Abriil ayay xeebaha Soomaaliya soo gaaray markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaas oo daba socda sahankii uu horay u fuliyay markabka cilmi-baarista ee Oruc Reis.
Ceelka Curad-1 waxaa hadda loo arkaa tijaabadii ugu weynayd ee lagu cabbirayo mustaqbalka shidaalka Soomaaliya. Haddii natiijooyinka la filayo ay noqdaan kuwo wanaagsan, waxay si weyn u beddeli karaan jihada dhaqaalaha dalka iyo rajada maalgashi ee Soomaaliya.
