Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii u dambeeyay ku soo badanayay afurro wadareedyo ay hormuud ka yihiin madaxda dalka — oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha — iyo sidoo kale wasaarado, bangiyo, shirkado iyo ganacsato, tan iyo billowgii bisha barakeysan ee Ramadaan.
Arrintan ayaa ku beegmeysaa xilli dalka ay ka jiraan abaaro ba’an oo si weyn u saameeyay nolosha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahaya cunno iyo biyo la’aan daran.
Qaar ka mid ah hay’adaha waxbarashada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa soo saaray warsaxaafadeedyo ay ku shaaciyeen in sannadkan aysan qaban doonin afur-wadareedkii ay caadiyan qaban jireen. Waxay sheegeen in kharashaadkaas loo weecin doono kaalmo toos ah oo la gaarsiinayo dadka ay sida daran u saameeyeen abaaraha.
Hay’adaha go’aankaas qaatay waxaa ka mid ah Hormuud Salaam Foundation iyo Jaamacadda SIMAD.
Bulshada ayaa si xooggan uga falcelisay afur-wadareedyada socda, iyagoo qaarkood ku dooday in aan la joogin xilligii munaasabado la qaban lahaa, isla markaana ku baaqay in la hakiyo kulamada noocaas ah, si mudnaanta loo siiyo gurmadka dadka ay abaartu saameysay.

2 Comments
Pingback: finasteride for bph
Pingback: diflucan 150 mg over the counter