Xildhibaanno katirsan baarlamaanka Federalka ayaa habeenkii xalay ku hoyday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib markii duulimaadkoodii si lama filaan ah hawada looga soo celiyay, iyaga oo ku sii jeeday Garoowe.
Axaddii, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u soo celisay diyaarad ku wajahneyd Garoowe, kaddib amar ka soo baxay hay’adda duulista rayidka. Diyaaradda waxaa saarnaa xildhibaanno ka soo jeeda Puntland oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyo dad shacab
Xildhibaannada dib loo soo celiyay ayaa afur iyo salaad ku qaatay gudaha garoonka, iyaga oo sheegay in dib u celintaasi ay si toos ah u saameysay dhaqdhaqaaqooda iyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.
Go’aankaasi kaddib, Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay shirkadda Daallo Airlines ka mamnuucday inay ka shaqeyso deegaanadeeda, tallaabadaas oo lagu macneeyay jawaab ka dhan ah dib u celinta diyaaradda ku sii jeeday Garoowe.
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku tilmaamay wixii dhacay “xadgudub dastuuri ah” oo dhaawacaya nidaamka federaalka iyo dowladnimada dalka.
“Arrimahani waa kuwo dhaawacaya dowladnimada, waana xadgudub dastuuri ah oo lagu waxyeellaynayo sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu carqaladeeyay xildhibaannada iyo shacabka saarnaa diyaaradda, iyagoo sheegay in tallaabadaasi ay wiiqeyso midnimada qaranka xilli loo baahnaa wada-hadal iyo tanaasul siyaasadeed.
Tani ma aha dhacdadii ugu horreysay ee noocan ah; horraantii Febraayo ayay Dowladda Federaalka hawada uga soo celisay duulimaadyo kale oo siday wufuud ka kala socotay Jubbaland iyo Puntland, arrintaas oo markaasna dhalisay xiisad siyaasadeed.

4 Comments
Pingback: cialis erectile dysfunction
Pingback: diflucan for yeast
Pingback: antibiotics for tonsillitis
Pingback: avanafil online kaufen